Smart School

QAABKEE AYUU U SHAQEEYAA DUGSIGA HOOSEE SMART SCHOOL


   Dugsiga hoose ee smar school waxa uu ka bilaabmaa xadaanada barbaarinta caruurta(kinder garden) ka dibna waxa loo gudbaa dugsiga hooe oo ka bilaabma class ka kowaad waxaanuu ku dhamaada class afaraad waxaana loo Qoraa ardayda lab siyaabood oo kala ah


Arday ka soo gudubtay KGyada (kinder garden) ka dibna la keenoo dugsiga hoose ama in si toos ah loo qoro iyadoo ardayga laga qaaday imtixaan si lee eego heerkiisa aqooneed iyo siduu ula qabsan karo ardayda la rabo inuu class la fadhiisto.


Dugsiga hoose la manhaj maaha kan dowlada lana tarbiyad maaha madaama uu yahay schoolada sida gaarka ah loo lee yahay manhajkiisu waa mid gaara schoolka waxaanu u kala baxaa laba qaybood oo kala ah tarbiyad islaami ah iyo kan maadiga waana sidan 


·      Qaybta koowaad oo ah tarbiyada islaamiga ah oo ilmaha yari inta uu yar yahay la barayo Islamic study kana kooban quraan,ducooyin iyo axaadiis waxa kaloo


·      Qaybta labaad oo ah maadiga ayaa ah mid ku baxa luqada englishka manhajkiisuna yahay kuwa Canadian ah

Hadaba qaybahan aan soo sheegnay oo dhan waxa dhiga macalimiin takhasus u leh haday tarbiyada ama maadigaba ahaan lahayd.macalimiinta waa ka mamnuuc dhamaan wixii balwad ah noocaydoonto ha ahaatee madaama laga doonayo inay soo saareen arday dhinac walba ka dhisan.


Ardyada dugsiga hoose ama schoolka hadii ay ku kacaan falal kasoo horjeeda tarbiyada waa ka mamnuuc in la dharbaaxo ama ul lagu dhufto waxaase loo ciqaabaa siyaabo kale sida ardaygoo laga joojinayo xiisada ciyaarta ama dalxiiska si aanu mar danbe ugu noqon wixii uu sameeya waxa kale oo lala xidhiidhaa waalidkiisa si uu inta uu guriga jooga wax looga soo qabto

Ardaydu waxay kaloo lee yihii xiisado ciyaar ah waxa kaloo loo saaraa dalxiis sanadkiiba laba jeer gudaha magaalada iyo debedaba ah


Qaybta imtixaanku waa bil walba wiig kastana waxa laga qaada test gaaban si loo ogaado fahamka ardaygu inta ay le,eg tahay si macalinku ula socdo ardayga fahmada badan iyo kan fahmadiisu hoosayso si macalinku wakhti usiiyo ardayga fahmadiisu hoosayso

Smart school waxa uu lee yahay gudi waliidintu iska soo dhex xuleen kuwaas oo uu kuurgala ama qiimeeya hadba heerka waxbarashadu marayso iyo isda ardaydu u fahmaan waxaanay lee yihii shirar joogto ah mararka qaarkoodna waxay shir guud isugu yeedhaan dhamaan walidiinta schoolka si ay warbixin u siiyaan