|
Please install Flash® and turn on Javascript. |
|
Photo
|
Smart School
QAABKEE AYUU U SHAQEEYAA DUGSIGA SARE SMART SCHOOL Dugsiga sare ee smar school waxa uu ka bilaabmaa class sagaalaad oo aah form one waxaanuu ku dhamaada class laba iyo tobnaad oo ah form four ardayda dhigata dugsiga waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah arday ka timid dugsiga dhexe ama in si toos ah loo qoro iyadoo ardayga laga qaaday imtixaan si lee eego heerkiisa aqooneed iyo siduu ula qabsan karo ardayda la rabo inuu class la fadhiisto Dugsiga sare waxa la aas aasay sanadku markuu ahaa 2009 waxaa lagu bilaabay ardaydii dhamaysatay dugsigii dhexe ee sanadkii 2008kii Dugsiga sare la manhaj maaha kan dowlada lana tarbiyad maaha madaama uu yahay schoolada sida gaarka ah loo lee yahay manhajkiisu waa mid gaara schoolka waxaanu u kala baxaa laba qaybood oo kala ah tarbiyad islaami ah iyo kan maadiga waana sidan Qaybta koowaad oo ah tarbiyada islaamiga ah oo ilmaha yari inta uu yar yahay la barayo Islamic study kana kooban quraan,ducooyin iyo axaadiis waxa kaloo taariikhda islaamka Qaybta labaad oo ah maadiga ayaa ah mid ku baxa luqada englishka manhajkiisuna yahay kuwa Canadian ah Dugsiga sare waxaa dhawaan loo samaynayaa laboratory lagu barto culuunta sayniska waxaanya yeelan doona library u gaara dugsiga ardayda dugsiga sare waxa la siiya wakhti dheeraad ah xiliyada ay kusoo dhow yihiin imitixaanka form fourka si ay ugu diyaargaroobaan imtixaanka form fourka waxaanay imtixaanka la qataan dhamaan dusiyada somaliland Hadaba qaybahan aan soo sheegnay oo dhan waxa dhiga macalomiin takhasus u leh haday tarbiyada ama maadigaba ahaan lahayd.macalimiinta waa ka mamnuuc dhamaan wixii balwad ah noocaydoonto ha ahaatee madaama laga doonayo inay soo saareen arday dhinac walba ka dhisan. Ardyada dugsiga sare ama schoolka hadii ay ku kacaan falal kasoo horjeeda tarbiyada waa ka mamnuuc in la dharbaaxo ama ul lagu dhufto waxaase loo ciqaabaa siyaabo kale sida ardaygoo laga joojinayo xiisada ciyaarta ama dalxiiska si aanu mar danbe ugu noqon wixii uu sameeya waxa kale oo lala xidhiidhaa waalidkiisa si uu inta uu guriga jooga wax looga soo qabto Ardaydu waxay kaloo lee yihii xiisado ciyaar ah waxa kaloo loo saaraa dalxiis sanadkiiba laba jeer gudaha magaalada iyo debedaba ah Qaybta imtixaanku waa bil walba wiig kastana waxa laga qaada test gaaban si loo ogaado fahamka ardaygu inta ay le,eg tahay si macalinku ula socdo ardayga fahmada badan iyo kan fahmadiisu hoosayso si macalinku wakhti usiiyo ardayga fahmadiisu hoosayso Smart school waxa uu lee yahay gudi waliidintu iska soo dhex xuleen kuwaas oo uu kuurgala ama qiimeeya hadba heerka waxbarashadu marayso iyo isda ardaydu u fahmaan waxaan lee yihii shirar joogto ah mararka qaarkoodna waxay shir guud isugu yeedhaan dhamaan walidiinta schoolka si ay warbixin u siiyaan |