KALA SOCO WIXII WARAR AH EE UGU DAMBEEYAY KUNA DHISAN XAQIIQO
KALA SOCO WIXII WARAR AH EE UGU DAMBEEYAY KUNA DHISAN XAQIIQO
(smartschoolnet.com) Monday, August, 23,2010.
Madaxweyne Siilaanyo oo Hargeysa kula kulmay wafdi ka socda dowladda Britain.
Hargeysa: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo ayaa shalay kulan waxaa uu Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland kula qaatay Wafdi ka socda dowladda Britain.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magalada Hargeysa, waxaa shalay magaaladaasi gaarey wafdi ka socda dowladda Ingiriiska oo uu hormuud u ahaa safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Max’ed Siilaanyo.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Hargeysa ayaa labada dhinac waxaa ay ka wadahadleen arimaha Somaliland iyo doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, iyadoo wafuuda ka socotay dowladda Ingiriiska ay si weyn u soo dhaweeyeen qaabka Somaliland ay u dardar galineyso dumuquraadiyadda.
Madaxweyne Axmed Max’ed Siilaanyo ayaa wafdiga uga warbixiyay waxyaabah ay xukuumadiisu dooneydo inay ku talaabsato, waxaana uu tilmaamay in oo baahanyahay in xili walba la garab istaago reer Somaliland.
Kulanka kadib ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada ee Somaliland waxaa lagu sheegay in wafdiga dowladda Ingiriiska iyo Madaxweynah Somaliland ay isku raaceen dardar galinta xariirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Britain.
Horey ayaa dowladda Wadanka ingiriiska waxaa ay u soo dhaweysay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay doorashooyinkaasi mid ku dayasho mudan.
Aqriso oo la soco Smartschoolnet.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
(Abusumayah) Xafiiska wararka Ee Smartschool
Gobolka: Togdheer Burco
__________________________________________________________________
(smartschoolnet.com) Sunday, August, 22,2010.
Warar ka imanaya dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in uu ku degay xeebaha dalka Yemen marka kuwa xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo al-Caqiid Express oo siday shixnad ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed ka dib markii ay ku keceen dabeylo iyo duufaano.
warku waxa kale uu intaa ku daray markabka oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Al-caqiid General Trading Co.
uu ku dagay agagaarka jasiirada lagu magacaabo soqotra oo ku taala dalka Yemen.
markabkan ayaa lagu soo waramayaa in uu ladegay dhamaan shixnadii saarneed oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed, taas oo aan haba yaraatee waxba ka badbaadin marka laga reebo shaqaalihii markabkan.
markabkan oo ay saarnayd shixnad ganacsi oo aad u badan, ayaa la sheegayaa inaanu ku jirin wax caymis ah, sidaa awgeed ma jirto hantidii saarnayd meel loo raacaa.
(Abusumayah) Xafiiska wararka Ee Smartschool
Gobolka: Togdheer Burco